MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Laba Xildhibaan oo reer Jubaland ah ayaa maanta lagu xanibay garoonka diyaaradaha Adan Abdulle International Airport ee Magaalada Muqdisho xili ay rabeen inay Kismaayo u dhoofaan.
Labada Xildhibaan oo lagu kala magacaabo C/rashiid Jirre Qalinle iyo Cumar Qalad-diid ayaa sida ay cadeeyeen saaka tagay garoonka iyagoo caawa maqribkii isaga soo laabtay markii loo diiday,waxayna qabteen shir jaraa’id.
Xildhibaan C/rashiid Jirre Qalinle iyo Xildhibaan Cumar Qalad-diid waxay weerar afka ah ku qaadeen madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh iyagoona ku sifeeyay masuul hore ciil u qabay hadana aargoosanaya.
Sidoo kale Ra’iisulwasaaraha ayay eedeyn u jeediyeen marka la eego xilka uu awood qeysi ahaan ku fadhiyo madaama ay isku qoonda yihiin.
DAYNIILE.COM