BOOSAASO (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo buuraha Cal-miskaad ee Gobolka bari dhulka Puntland ayaa sheegaya in Caawa la duqeeyay kooxda Daacish.
Maamulka Puntland ayaa durba faah-faahin ka soo saaray duqeymaha diyaaradaga Drons-ka ay fuliyeen khasaaraha ka dhashay.
Maamulka Puntland ayaa shaaciyay 25 xubnood oo katirsan Daacish in lagu dilay duqeymaha caawa ka dhacday deegaanka Miraale.
Deegaanka la duqeeyay ee Miraale ayaa ah  Taliska weyn oo ay lahayd kooxda Daacish,waxaana lagu bartilmaameedsaday xubno is aruursanayay oo kamid ah firxadka Daacish.
Warka ka soo baxay howlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland. ayaa lagu shaaciyay in diyaaradaha duqeymaha fuliyay laga leeyahay saaxiibada Dalka Imaaraatka Carabta kuwaasoo taageeraya howlgalka Puntland ka socda.
Sidoo kale warka dhanka puntland ka soo baxay waxaa lagu sheegau in ciidamada difaaca Puntland ay maanta howlgallo ka sameeyeen deegaannada kala ah  Kalriyaad, Saax iyo Madaah ee Gobolka Bari.
Ciidamada waxay burburiyeen Talisyo yar yar oo ay ku ku sugnaayeen dagaalamayaal ka tirsan Kooxda Daacish.
XAFIISKA WARARKA 
DAYNIILE.COMMay be an image of map and crater
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here