Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya Maxamuud Cabdi Axmed, waxaana uu Guddoomiyaha uga warbixiyay shaqada xafiiska IGAD ee Soomaaliya iyo sidoo kale qorshayaasha u degsan sanadkan.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa xafiiska ururka IGAD ee Soomaaliya ku bogaadiyay shaqada ay hayaan maadaamaa Soomaaliya kaalin weyn oo firfircoon ku leedahay dhisida urur goboleedka IGAD.
Wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya ayaa waxaa kulanka ku wehliyay Danjire Jamaal Maxamed Xasan oo ah Agaasimaha Xarunta la qabsiga Cimilada ee IGAD iyo Axmed Xasan oo ah La taliyaha Xogayaha IGAD.
.