Diyaarad nooca qumaatiga u kacda ah oo qeyb ka aheyd howlgal ciidan oo ka dhacay meel u dhow xeebta degmada Jammaame ee gobolka Jubbada Hoose ayaa burburtay.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in diyaarada Helicopter-ka ah aysan ku dhicin gacanta Al-Shabaab, inkastoo kooxda ay maamulayeen deegaanka ay ku burburtay.

Advertisement

Diyaaradan ayaa la xaqiijiyay in ay wajahday cilad farsamo,  Bayloodkii waday iyo nin la socday ayaa la sheegay in ay u baxsadeen dhanka badda, iyaga oo ka bad baaday gacanta AS.

Shilkan ayaa ku soo aadaya xilli saacado ka hor diyaarado aan duuliye laheyn ay bartilmaameedsadeen afar gobol oo muhiim ah, kuwaasi oo la sheegay inuu khasaare ku gaarey AS.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay kordhineyso Howlgallada ka dhanka ah AS ee ka socda gobolada dalka gaar ahaan deegaannada ay Maamulaan ururkaasi, iyada oo kaashaneysa Saaxiibada Caalamiga ah.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here