BUULO-BURDO (DAYNIILE.COM)-Dagaal u dhexeeya Alshabaab oo dhinac ah iyo Ciidamada Dowlada iyo kuwa deegaanka oo dhinac ah ayaa saaka subaxdii hore ka qarxay nawaaxiga deegaanka Beera yabaal ee gobolka Hiiraan.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii Alshabaab ay weerar ku soo qaadeen deegaanka Beera yabaal oo gacanta ugu jirey ciidamada Dowlada iyo macawisleyda reer Hiiraan.
Deegaankaan la isku hayo ayaa hoos yimaada degmada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan waxaana la soo sheegayaa in dagaalka saaka uu aad u cuslaa islamarkaana la isku adeegsaday hubka nuucyada kala duwan.
Si kastaba saraakiisha macawis;eyda iyo kuwa Dowlada Somalia ayaa lagu wadaa inay sharaxaad ka bixiyaan dagaalkaani iyo inta uu la egyahay khasaaraha dhankooda iyo dhanka kale inta ay ka ogyihiin.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM