Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa ee gobolka Hiiraan ayaa saakay Kooxda Alshabaab kula dagaalamay  deegaanada Beerayabaal iyo Aboorey oo hoos taga degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan, halkaas oo la sheegay inay soo weerareen xubno ka tirsan kooxdu.

Saraakiisha ciidanka ayaa sheegay inay dileen xubno ka tirsan kooxda Alshabaab, sidoo kalena hub iyo gaadiid ay ka qabsadeen sida ay baahisay warbaahinta dowladdu.

Advertisement

Gobolka Hiiraan ayaa intiisa badan horay looga saaray kooxda Alshabaab, balse maalmihii dembi waxaa deegaanada bariga ka socday iska horimaadyo u dhexeeya ciidanka xoogga oo kaashanaya kuwa Macawisleyda iyo dagaalameyaasha Alshabaab.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here