Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Kumaandooska Danab, oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah, ayaa saaka howlgal ballaaran ka fuliyay magaalada Daaru-Nimco ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo maalmahan ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa isugu jiray duqeymo iyo dagaal toos ah, waxaana lagu dilay tiro badan oo ka tirsan horjoogayaasha Al-Shabaab, sida ay sheegayaan xogaha hordhaca ah.

Advertisement

Saraakiisha ciidanka ayaa sidoo kale xaqiijiyay in ciidamada huwanta ay ku guuleysteen inay la wareegaan gacan ku haynta magaalada.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoreynayo deegaannada ay Al-Shabaab kaga sugan yihiin gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in ciidamadeedu ay ku dileen in ka badan 130 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab intii lagu guda jiray howlgalladii u dambeeyay ee ka dhacay gobolkaas.

Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa sii wada howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, ka dib markii kooxdu dhawaan ay howlgal safballaaran ah kusoo qaaday Shabeellaha Dhexe.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here