May be an image of 2 people
Laacibkii kooxda Arsenal, Real Madrid iyo xulka Jarmalka ee Mascuud Ozil ayaa si rasmiya ugu biiray dhinaca siyaasadda isaga oo laga dhigay maamuulka xaruunta dhexe ee xisbiga haya talada dalka Turkiga ee AK party.

Ozil oo xulka Jarmalka la qaaday koobkii Adduunka ee 2014-kii, wacdarona ka dhigay ciyaaraha horyaallada kala duwan ee Qaraadda Yurub ayaa la filayaa in uu noqon doono musharrax isu soo taaga goleyaasha waddanka uu ka soo jeedo ee Turkiga.

Laacibkan siyaasaga u xuub siibtay waxay saaxiib dhow yihiin madaxweyne Erdogan oo la aamisan yahay in uu isagu ka dambeeyey soo gelista Ozil ee dhanka siyaasadda.
QORRE WARIYE: Aweys Maxamuud Jilacow
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here