Aabbaha xiddiga Barcelona, Lamine Yamal, ayaa shaaca ka qaaday in dad badan ay si khaldan u sheegaan magaca wiilkiisa, isagoo saxay magaca qoyskiisa ee dhabta ah.
Mounir Nasraoui ayaa arrintan ka hadlay intii uu ku jiray baahin toos ah, wuxuuna sheegay in Lamine Yamal uu yahay magaca wiilkiisa, halka magaca uu ku abtirsado yahay Nasraoui Ebana.
“Waxaan rabaa inaan wax idiin sheego. Magaciisu waa Lamine Yamal, balse Yamal ma aha magaca uu ku abtirsado. Magaca qoyskiisu waa Nasraoui Ebana. Waxaan doonayaa in qof walba uu taas fahmo,” ayuu yiri Mounir.
Si kastaba ha ahaatee, xiddiga reer Spain ayaa hore u sheegay inuusan dhib ku qabin in magaciisa loo soo gaabiyo Lamine. Magaca Lamine Yamal ayaa sidoo kale dhabarka ugu qoran funaanaddiisa Barcelona iyo xulka Spain.
Yamal ayaa ku faana asal ahaan qoyskiisa. Hooyadii waxay kasoo jeeddaa Equatorial Guinea, halka aabbihiis uu kasoo jeedo Morocco. Labada dal ayuu calammadooda ku xardhay kabihiisa ciyaareed.
Ayeeyadiis dhanka aabbaha, Fatima Nasraoui, ayaa kaligeed Morocco uga soo haajirtay Spain sannadihii 1990-meeyadii, iyadoo raadineysay nolol wanaagsan. Markii dambe ayay u suuragashay inay aabbihii iyo eeddadiis keento Spain.
Yamal ayaa markii uu guuleystay u iibiyay ayeeyadiis guri ku yaalla xaafadda Rocafonda ee uu ku soo koray. dabaaldegga uu sameeyo ee “304” ayaa sidoo kale xusuusin u ah xaafaddaas.

