Yair Netanyahu oo ah wiil uu dhalay Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa la masaafuriyay ka dib markii uu garaacay aabihiis sida uu xaqiijiyay xildhibaan ka tirsan mucaaradka Israel.
MK Naama Lazimi oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ayaa hadalkan ka sheegtay fadhi ay yeesheen guddiga maaliyadda ee Baarlamaanka Israa’iil kaasoo loo yaqaan Knesset.
Xildhibaanad MK Naama Lazimi waxay cadeysay in shirka maaliyada lagu soo hadal qaaday oo wax la iska weydiiyay qarashka ku baxaya safarka xaaska iyo amniga iyada iyo wiilkeeda madaama labadooda ay ku sugan yihiin dalka Mareykanka.
“Waxaan rabaa inaan wax ka weydiiyo ku saabsan joogitaanka labada bilood ee dibadda ee xaaska ra’iisul wasaaraha, Sara Netanyahu, Waxaan rabaa inaan weydiiyo cidda maalgelisay joogitaankan, kharashka ku baxay, iyo miisaaniyaddee laga soo saaray,” ayay tiri xildhibaanad Lazimi
“Waxaan rabaa in aan weydiiyo in lacagtan ay wali ku jirto miisaaniyad iyo in weli la doonayo in lagu maalgeliyo joogitaanka wiilka ra’iisul wasaaraha sababtoo ah wuxuu ku dhuftay ra’iisul wasaaraha oo ay ahayd inuu dibadda joogo maadaama uu waxyeeleeyay astaantii maamulka,” ayay mar kale hadalkeeda sii raacisay.
Dhanka kale bayaan kasoo baxay xisbiga Likud ee Israa’iil ayaa markooda eedeyn u soo jeediyay Xildhibaanad Naama Lazimi,xisbigu wuxuu ka digaya in xildhibaanadu weyn karto xasaanadeeda madaama sida y sheegeen ay been ka sheegtay qoska Ra’iisulwasaaraha Israa’iil gaar ahaana xaaskiisa iyo caruurtiisa.
“Naama Lazimi waxay bixin doontaa magdhaw, sidoo kale waxay weyn doontaa booskeeda xildhibaanimo”ayaa lagu yiri warka xisbgaani ka soo baxay.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM