Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay qaadayso tillaabooyin ka dhan ah fara-gelinta uu isku tagga Imaaraadka carabtu ku hayo arrimaha gudaha dalka, ayadoo sheegtay inaysan oggolayn hab-dhaqankiisa xadgudubka ku ah madax-bannaanida Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya danjire Axmed Macallin oo wareysi siiyay laanta Af-soomaaliga ee VOA-da ayaa mar wax laga weydiiyay xariirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka, waxa uu sheegay in labada dal hadda aysan dhibaato ka dhexayn, balse xukuumadda uu ka tirsanyahay ay qaadayso tillaabooyin ka dhan ah fara-gelinta ay Abu Dubai ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya.

Advertisement

Imaaraadka Carabta ayaa sanadihii la soo dhaafay xoojiyay galaan-galkiisa arrimaha gudaha Soomaaliya, ayagoo xariirro adag la samaystay dowlad goboleedyada qaarkood, islamarkaana heshiis aanay DFS waxba ka ogeyn ku qabsaday Dekedaha Barbera iyo Boosaaso.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here