BALADWEYNE (DAYNIILE.COM)-Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Muuse Salaad ayaa la hadlay boqolaal ciidamo wmacawisley ah oo ka soo jeeda Beesha Makane kuwaaasoo aad u hubeysan isla markaana diyaar u ah inay Alshabaab wajahaan.
Ciidamada iyo waxgaradka Beesha Makane ayaa ku amaanay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Muuse Salaad isku xirkiisa reer hiiraan marka la fiiriyo dagaalada looga soo hor jeedo Alshabaab.
Macawisleyda Makane waxay xuseen inay deg deg u xureyn doonaan dhulkooda Gobolka Hiiraan ee hada gacanta ugu jira Alshabaab..
Ugu dambeyn Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye ayaa ciidamada Makane wuxuu u ballan qaaday inay heli doonaan wax kasta oo dagaalka ay u adeegsanayaan balse iyagana laga rabo inay dagaalka safka hore ka noqdaan, cashirna u dhigaan Alshabaab.
Advertisement
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement