Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseeen Rooble oo kusugan dalka Koonfur Afrika ayaa soo hadal qaaday xaalada Siyaasadeed ee dalka uu marayo iyo khilaafka xoogan ee ka taagan nidaamka Doorashada dalka.

Ra’iisul Wasaare hore Rooble ayaa shaaciyay inaan la aqbali karin doorasho aan loo dhameeyn oo aan ka shaqeeyneenin midnimada Soomaaliya, waxaana uu carabka ku dhuftay inaan la aqbali doonin waxaan heshiis lagu ahayn in dalka ay ka dhacaan.

Advertisement

Rooble waxa uu xusay in wixii ay ka diideen Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ee doorashada ku saabsaneyd inaysan ka aqbaleynin Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh balse la helaa in doorasho loo wada dhan yahay ay noqdaan doorashooyinka soo socda ayna waqtigeedi ku dhacaan.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa tilmaamay in meel gaar ah iska dhigaan madaxda Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah danahoodi gaarka ah ayna u tuuraan shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu balan qaaday inuu ka shaqeyn doono isku keenida madaxda uu khilaafka u dhaxeeyo.

Waxa uu Rooble ka gaabsaday inuu ka hadlo hamigiisa u tartamida xilka Madaxaweynenimo ee Doorashada soo socota waxaana uu sheegay inuu goob fagaare ah uu arrimahaasi kaga hadli doono

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here