Open photo
Agaasimihii hore ee Hay’ada nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Fahad Yaasiin Xaaji ayaa ka hadlay war shalay furitaanka baarlamaanka uu ka sheegay Madaxweynaha soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud taasoo ahayd inuu gudi u magacaabi doono dagaalka Maamulka Puntland uu kula jiro kooxda daacish.
Madaxweyne Xassan ayaa cadeeyay in Dowladu garab istaagi doonto maamulka Puntland si daacisha looga saaro buuraha Gobolka Bari ee maamulka Puntland.
“Madaxweyne Xasan Sheekh saddex bilood ka dib inuu guddi magacabayo oo uu dhanka Puntland usoo jeestay waa talaabo wanaagsan”ayuu yiri Fahad Yaasiin
Mar uu madaxda Puntland la hadlayay wuxuu u soo jeediyay inay si niyad ah u aqbalaan hadal jeedinta Madaxweynaha Soomaaliya.
“Waxaa habboon in Maamulka Puntland ay niyad sami ku soo dhaweeyaan, lana shaqeeyaan Dowladda Federaalka,
Madaxweyne Saciid Dani, waa inuu ka weynaado siyaasada ku dhisan INYOOW!” ayuu mar kale ka dhawaajiyay Fahad Yaasiin Xaaji
Xikmadaha Yamanta waxaa ka mid ah;
أن تأتي متأخراً خير من أن لا تأتي. Inaad soo daahdo waxay dhaantaa inaadan imaanin.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here