Dalalka Khaliijka Carabta ayaa ku tartamaya qabashada dekadaha Soomaaliya iyo la wareegidda dhammaan marinada istiraatiijiga ah ee dalka.

Dowladda isku tagga Imaaraadka ayaa horay ula wareegtay dekedaha Barbera iyo Boosaaso, haddana waxay dadaal xooggan ugu jirtaa qabashada dekedda magaalada Kismaayo, ayadoo xoojinaysa xariirka ay la leedahay maamulka Jubbaland.

Advertisement

Sidoo kale Imaaraadku waxay gacanta ku dhigay in badan marinnada iyo marsooyinka ku teedsan gacanka cadmeed, dhinaca Soomaaliya iyo dhanka dalka Yemenba, halkaas oo uu ku diyaarinayo ciidamo ka amar qaata oo uu tababarkooda iyo taakulayntooda gacanta ku hayo.

Dhanka kale dowladda Kuwait iyo Cumaan ayaa labadii todobaad ee la soo dhaafay qaaday tillaabooyin ku aaddan sidii ay ula wareegi lahaayeen dekadda  Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose iyo midda Hobyo ee gobolka Mudug.

Dowlad goboleedka Koonfur galbeed ayaa todobaadkii tagey shirkadda Arab Holding group oo laga leeyahay dalka Kuwait u saxiixday heshiis ay muddo 25 sano ah ku maamulayso dekedda Baraawe, kaas oo lagu sheegay in looga golleeyahay dhismaha dekedda iyo mashaariic ku lammaan oo deegaanadaas laga fulinayo.

Sidoo kale waxaa dhowaan magaalada Muqdisho soo gaaray wefdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiirka Gaadiidka, Dekedaha iyo Tiknoolijiyadda Saldanadda Cumaan, waxayna wefdigaasi dowladda Soomaaliya kala hadleen dhismaha dekedda Hobyo iyo maalgashiga aaggaas.

Tartanka dowladaha Khaliijka Carabta ayaa sidoo kale xambaarsan gallaangal siyaasadeed oo ay ku xoojinayaan xariirka ay la leeyihiin dowlad goboleedyada dalka, kaas oo horseedi kara hardanno culus oo ka dhaca gudaha Soomaaliya.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here