HomeWararka Ciyaaraha MaantaKai Havertz Oo Noqday Jarmalkii Ugu Goolasha Badnaa Taariikhda Premier League

Kai Havertz Oo Noqday Jarmalkii Ugu Goolasha Badnaa Taariikhda Premier League

Kai Havertz ayaa taariikh cusub sameeyay kaddib markii uu Arsenal gool u dhaliyay kulanka Liverpool ee hadda ka socda garoonka Anfield.

Weeraryahanka reer Jarmal ayaa shabaqa soo taabtay qeybtii hore ee ciyaarta, isagoo Arsenal hoggaanka u dhiibay kaddib markii uu si wanaagsan uga faa’iideystay fursaddii uu helay.

Goolkaasi wuxuu Havertz u ahaa kii 46-aad ee uu ka dhaliyo Premier League, taasoo ka dhigtay ciyaaryahanka reer Jarmal ee ugu goolasha badan taariikhda horyaalka.

Wuxuu sidaas ku dhaafay Ilkay Gündogan oo horay u dhaliyay 45 gool, isagoo noqday Jarmalkii ugu goolasha badnaa ee abid ka ciyaara horyaalka heerka koowaad ee Ingiriiska.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments