Mar uu dul istaagay Doorashada qof iyo codka ah ee dalka laga filayo in ay ka dhacdo ayuu shaaciyay in Dowladda Federaalka ay kharashkeeda kusoo iibsatay qalabka casriga ah ee loogu talagalay Doorashooyinka, waxa uu meesha ka saaray halis dalka ka jirta oo diideysa doorashadaas.

“Doorashada waxa aan u adeegsaneynaa qalabka casriga ah ee lagu kala garanayo Dadka codeynaya & Meesha laga codeynaya, kharashka ku baxaya qalabkaas inta badan Dowladda Soomaaliya ayaa bixisay, Ma jirto sabab aan dalka Soomaaliya khatar u galino ee waxaa loo baahan yahay in aan isku kalsoonaano” Madaxweyne Xasan Sheekh

Advertisement

Gunaanadkii khudbaddiisa waxa uu fariin ugu diray xubnaha mucaaradka ah ee doodaha badan ka keenay doorashada Dowladdu sheegtay in ay dalka ka dhaceyso iyaga oo dooddooda ku adkeeyay in aanay jirin saansaan muujineysa doorashadaas.

Waxa uu si cad u sheegay in la dhaliili karo lana soo bandhigi karo gaabisyada Dowladda Federaalka balse aanay habbooneyn in Mustaqbalka ummadda shaki la geliyo, waxa uu doorashadaas sheegay in haddii looga adkaado ay xilka bannaan doonnaan.

“Ma diideyno mana hor istaageyno in la sheego haddii cillado ay ka jiraan Dowladda laakiin Mustaqbalka waa in aan Mugdi laga dhigin, Berri hadii nala dooran waayo inaan iska baxno oo aan Gurigeena ku laabano dhib nagu ma heyso,laakiin majirto sabab aan halis u galino dalka” ayuu yiri MW Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Baarlamaanka Soomaaliya oo fasax ku maqnaa labadii bil lasoo dhaafay ayaa dib u billaabay fadhigiisa, sida in badan la hadal yahay waxaa jirtay cabsi la xiriirta in uu buuq ka dhici karo fadhiga balse taasi ma dhicin inkasta oo ganaax ay ku maqan yihiin Xildhibaanno.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here