Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ka bixisay duqeymo cuĺus oo ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dowladda Mareykanka ka fuliyeen nawaaxiga degmada Buula burte ee gobolka Hiiraan.

20-kii bishaan oo ku beegneyd Khamiistii lasoo dhaafay ayaa lagu sheegay Warsaxafadeedka in ciidamada dowlada oo kaashanaya ķuwa Taliska ciidanka Mareykanka ee AFRICOM iney duqeymo dhanka cirka ah la beegsadeen goob ay isku aruursanayeen xubno ka tirsan Al-shabaab.

“Howlgalkan iyo duqeymahaasi ayaa lala beegsaday maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ku sugan agagaarka degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan, waxaana looga hortagay iskuday maleeshiyadu ku abaabulaysay weerar gaadmo ah, dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa dowladda Mareykanka iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah waxaa ka go’an cirirbtirka argagixisada Al-shabaab iyo Daacish” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Howlgalkaan dhanka cirka ah ayaa kusoo aadaya, iyadoo ay hakad galeen todobaadyadii lasoo dhaafay howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee bishii lasoo dhaafay sida xowliga ah uga socday deegaanada dhaca jiinka Wabiga Shabeelle, gaar ahaan kuwa hoostaga degmada Buula burte ee gobolka Hiiraan.

Advertisement

Ugu dambeyntii dowladda Fedaraalka ayaa sheegtay in howlgalada socda ay qayb ka yihiin istaraatijiyad balaaran oo lagu xoojinayo dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ee khatarta ku ah shacabka Soomaaliyeed iyo Caalamkaba.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka oo dhameystiran:-

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here