Xilli dhowaan wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya danjire Axmed Macallin Fiqi uu sheegay in aysan waxba ka jirin wararka sheegaya in Ra’iisul wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble loo diiday inuu ku safro passport-kiisa dublumaasiga ah ayaa waxaa arrintaas ka hadlay xubno ka ag dhow Ra’iisul wasaare Rooble.

Wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Carab oo kamid ahaa wefdiga Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku weheliya safarka dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in aysan wasaaradda arrimaha dibadda ka helin warqadihii lagama maarmaanka u ahaa adeegsiga passport-ka dublumaasiga ah, markii ay wasaaradda wax jawaab ah ka waayeenna Ra’iisul wasaare Rooble uu ku safray passport-kiisa Sweden.

Advertisement

Xildhibaan Cabdullaahi Carab ayaa intaas ku daray in codsigooda markii hore ay wasaaraddu ka jawaabtay oo warqado ay magacyadoodu ku qoranyihiin u dirtay Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya si xubnaha wefdiga loogu sameeyo warqadaha muhiimka u ah passport-ka dublumaasiga ah, balse intaas ka dib wax ay jawaab ah ka waayeen masuuliyiinta wasaaradda arrimaha dibadda.

Xubno ka ag dhow ayaa sheegay Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble uu go’aansaday in arrintan aan la buunbuunin, maadaama safarkiisii Koonfur Afrika aanu baaqan oo uu u adeegsaday passport-ka Swedish-ka.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here