War-saxaafadeed

Ciidanka Qaranka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada Mareykanka oo burburiyay koox ka tirsan khawaarijta.

Advertisement

Muqdisho, 21ka Febraayo 2025: Ciidanka Qaranka oo kaashanayo Taliska AFRICOM ee Ciidamada Mareykanka, waxay si guul leh u fuliyeen howlgalo iyo duqeymo cirka ah oo ka dhan ah kooxda argagixisada Al-Shabaab 20-kii Febraayo 2025.

Hawlgalkan iyo duqeymahaasi ayaa lala beegsaday maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ku sugan agagaarka degmada Bulo Burte ee gobolka Hiiraan ee Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, waxaana looga hortagay iskuday maleeshiyadu ku abaabulaysay weerar gaadmo ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo garabsanaysa shacabkeeda waxay sii xoojinaysaa dagaalka ka dhanka ah kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ee caadeystay daadinta dhiigga dadka Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa dowladda Mareykanka iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah waxaa ka go’an ciribtirka argagixisada Al-Shabaab iyo Daacish.

Dadaalladan ayaa qayb ka ah istaraatijiyad ballaaran oo lagu xoojinayo dagaalka ka dhanka argagixisada khatarta ku ah shacabka Soomaaliyeed iyo caalamka.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here