No description available.MIIR-TAQWA (DAYNIILE.COM)-Waxaa soo baxaya warar xaqiijinaya inta badan deegaanadii shalay Alshabaab ay qabsadeen Gobolka shabeelaha dhexe in goor dhaw oo maanta ah dib looga saaray markii ay weerar qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada Somalia.

Sarkaalka lagu magacaabo Col.Cali Xuubeey ayaa hogaaminayay ciidamadaan kuwaasoo guud ahaan dib u soo celiyay deegaanadii shalay ay gaareen Alshabaab sida tuulada miir-taqwa.No description available.

Advertisement

Wararka ugu dambeeya ee la helayo ayaa sheegaya in ciidamada u ruqaansadeen dhanka Ceel-bara oo wararka qaar sheegayaan inay Alshabaab ka sii baxeen markii ay ogaadeen in Col.Cali Xuubeen ku soo wajahan yahay.

Wixii war ku soo kodha sida Dowladu u maareyso dayaxca ka muuqda deegaanada Gobolka Shabeelaha dhexe oo aad moodo inaanba loogu talo galin ciidamo Dowladeed oo toos saldhigyo uga sameysta si ay u diaacaan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here