Xiriirka Sudan iyo Kenya ayaa sii xumaanaya ka dib markii Khartoum ay ku eedeysay Nairobi inay taageerto maleeshiyaadka mucaaradka ee RSF, waxayna dowladda Suudaan markii dowladda Suudaan cambaareysay shirar is daba joog ah oo dhowaan ka dhacay magaalada Nairobi, kuwaas oo la sheegay in loo arrinsanayay dhismaha dowlad loo samaynayo dhulka ay gacanta ku hayso fallaagada RSF.
Suudaan ayaa sidoo kale Khamiistii ku dhawaaqday in ay u yeeratay safiirkeedii u fadhiyay Kenya, ayadoo ka jawaabaysa waxa ay ku tilmaamtay marti-gelinta Nairobi ee shirarka fallaagada RSF iyo xulafadeeda sida ay baahisay Wakaaladda Wararka Sudan ee SUNA,
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Suudaan, Sarreeye Guud Khalil Pasha Sairin, ayaa sidoo kale dhalleeceeyay mowqifka dowladda Kenya ee ah in ay dalkeeda ay ku martigelisay xubnaha fallaagada ah iyo dadka ay xulafada la yihiin si ay u waxyeeleeyaan ammaanka iyo xasilloonida Suudaan.
Wasiirka ayaa intaas ku daray hab-dhaqanka Kenya uu yahay mid dhaawacaya midnimada Suudaan, isla markaana aanu ixtiraamayn xiriirka diblomaasiyadeed iyo midka ganacsi ee labada dal, taas oo ay u dheer tahay ku xad-gudubka mabaadi’da Midowga Afrika iyo axdiga Qaramada Midoobay.
Bayaanka ay soo saartay Suudaan ayaa ku tilmaamay tallaabadii Kenya ay ku martigelisay shirkii Talaadadii ka dhacay Nairobi inay ahayd fal cadawtooyo ah, kaas oo horseed u noqday qorshe la dhisayo dowlad gaar ah oo ay maamusho RSF.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya ayaa dhankeeda sheegtay in dowladda dalkaasi martigelisay qaxooti badan oo Suudaaniyiin ah, isla markaana ay leedahay taariikh la xariirta fududaynta wada-hadalka iyada oo aan wax ujeeddo ah ka lahayn.
Xoogagga siyaasadda mucaaradka ah iyo kooxaha hubeysan ee dalkaas oo ay horkacayaan ciidamada fallaagada ah ee RSF ayaa dhowr maalmood shirar uga socdeen magaalada Nairobi, kuwaas oo la sheegay in loogu diyaar-garoobayay ku dhawaaqista wax loogu yeeray “Dowladda Nabadda iyo Midnimada” ee deegaanada ay gacanta ku hayaan ciidamada fallaagada RSF uu hoggaamiyo Mohamed Xamdaan Dagalo (Hemedti).