MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Maxamed Axmed Amiir ayaa maana mar uu ka hadlayay shirweyne looga hadlayay doorashooyinka dadweynaha ayaa ka dhawaajiyay hadal aad u qabsaday maanta baraha bulshada iyo warbaahinta islamarkaana dhaliyay hadal heyn si uun dhaliil ugu noqon kara duqa Muqdisho.
Duqa Xamar intii uu ka hadlaya shirka ayuu kaga dhawaajiyay inaan lagu qabsan karin jidadka Burbursan iyo nadaafad xumida magaalada Muqdisho ka jirta.
“aniga iguma qasban kartaan jidadka burbursan iyo nadaaad xumida xamar ka jirta , laakiin haddaa i dooran lahaydeen waa igu qabsan lahaydeen” ayuu yiri Duqa Muqdisho
Inkastoo warkaasi ku jilcinaayay farqiga u dhexeeya hogaamiyaha marka la soo doorto iyo marka la soo magacaabo balse hadalkaasi waxaa fasir badan u yeelay dadka baraha bulshada aadka u isticmaala.
lama oga inuu mar kale shacabka ka qancin doono hadalkaasi oo malaha uu si kale ula jeeday iyo inuu ka gaabsan doono walow waraabhintuna macquul tahay inay hor dhigaan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM