MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Xarunta tiyaatarka qaranka ee Muqdisho waxaa saaka lau qabtay Shirweynaha Wacyigelinta dadweynaha ee doorashada qof iyo codka ah,waxaana ka qeybgalay masuuliyiin Dowlada Somalia ka tirsan.
Kooxaaha anka gaar ahaan kooxda Kalamaan ayaa goobta ku soo bandhigtay riwaayad lagu dhiiri-geinaayo in shacabku gacantooda ku doortaan madaxda qaranka ee ay rabaan inay dalka hogaamiyaan.
Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka Abwaan Guure oo hadalo ka jeediyay shirka ayaa sheegay in doorashada qof iyo cod ay tahay danta Dadweynaha sidaas daraadeed wuxuu ku baaqay in loo istaago ka shaqeynteeda.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Maxamed Axmed Amiir ayaa dhankiisa hadalo ka jeediyay shirka dadweynaha.
“waxaan doonayaa in aad idin gaarsiiyo doorashada qof iyo codka ah, si aad madaxdiina usoo doorataan” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir
Sidoo kale Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maxamed Axmed Diiriye Yabooh ayaa isna ka dhawaajiyay in Shir-weynahan maanta ay u fureen in dadweynaha ay ku gudbiyaan rabitaankooda doorashada qof iyo cod.
Wasiirka Amniga Somalia Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa markiisa hadalo ka jeediyay shirweynahaan ayaa daboolka ka qaaday in Dowladu ku guuleysatay dhanka amniga.
“Dowlada Somalia waxay ku guuleystay inta badan amniga dalka, bulshadana waxaa laga rabaa in ay u diyaar garoobaan iyaga oo aan cabsi ku jirin doorashada qof iyo codka ah”ayuu yiri Wasiir Fartaag.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM