War ka soo baxay Xafiiska hanti-dhowrka guud ee Dowlada Somalia ayaa looga hadlay nidaamyada lacagaha canshuurta iyo kuwa Dowlada daqligeeda ku saabsan intaba in lagu bixiyo hab sharciga waafaqsan.

Warka Xafiiska hanti-dhowrka guud ayaa sidan u qornaa:-

Advertisement

Si Dowladdu u joogteyso bixinta adeegyada asaasiga u ah dadweynaha waa in dakhli kasta oo ay dowladdu leedahay lagu qabto Akoon dowladeed si waafaqsan Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud si sax ah oo dhammeystirana u gaaro Khasnnada Dhexe ee Dowladda.May be an image of ‎text that says "‎بعععل XAFIISKA HANTIDHOWRKA GUUD EE JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA 1 OGEYSIIS Si waafaqsan Qodobka 4aad ee Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud (Sharci Lr. 17, 2019) iyo Xeerarka Canshuurta Dowladda, haddii aad bixiso canshuur, ganaax, kiro, lacag adeeg iyo nooc walba oo dakhli ah oo ay leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, fadlan hubi in aad qaadato Warqadda lacag qabashada Guud ee Xafiiska Xisaabiyaha Guud (General receipt), iyo in tirada lacagta lagaa qabtay ay ku caddahay. Haddii aad aragto khalad, wax-is-dabamarin, khiyaano ama xeeladeysi ku saabsan nidaamka qabashada dakhliga dowladda, fadlan la wadaag Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS. cabasho@oag.gov.so‎"‎

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here