Warar aan helayno ayaa sheegaya in Al Shabaab saakay aroortii hore weerar culus oo qaraxyo ku bilowday ku qaaday fariisimo ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ku lahaayeen deegaanka Ceel Cali Axmed ee gobolka Shabeelaha Dhaxe.
xogaha aan ka heleyno dagaalka oo u dhaxeeya ciidanka deegaanka ee ku sugan fariisimaha lasoo weeraray iyo Al Shabaab ayaa halkaasi ka socda, waxaana wali lasoo sheegayaa in dagaal culus oo labada dhinac u dhaxeeyo soconayo.
Sidoo kale Al Shabaab ayaa la sheegay in ay sidoo kale weerareen deegaanno kale oo ku dhaw dhaw deegaanka Ceel Cali Axmed, si ay uga hortagaan in loo soo gurmado ciidanka kula dagaallamaya deegaanka, waxaana go’doon ku jira oon wali gurmad helin ciidamada Al Shabaab la dagaallamaya.
Deegaanka Ceel Cali Axmed weerarka ka dhacay ayaa kuyaalla xadka ay wadaagaan gobolada Shabeelaha Dhaxe iyo Galgaduud, waxaana halkaasi ku sugnaa ciidamo u badan kuwa dadka deegaanka oo halkaasi horey uga saaray Al Shabaab.
Sikastaba ha ahaate khasaaraha ka dhashay weerarkan kooxda Al Shabaab saakay ku qaadeen deegaanka Ceel Axmed ayaan wali la ogeyn inta uu la egyahay, waxaana lasoo warinayaa in ay jiraan khasaarooyin xooggan oo labada dhinac kala gaaray inkastoo wali masuuliyiinta hiiraan wax war ah kasoo saarin laamaha amniga.