Dowladda Ingiriiska ayaa safiir cusub u soo magacowday Soomaaliya. Safiirka cusub, oo lagu magacaabo Charles King, ayaa beddeli doona safiirkii hore, Michael Nithavrianakis, oo muddadii xilkiisu dhammaaday.

Danjire Charles King ayaa la filayaa inuu si rasmi ah shaqada u bilaabo bisha May ee 2025.

Advertisement

Charles King waa diblomaasi khibrad leh oo hore uga soo shaqeeyay dalal ay ka mid yihiin Suuriya, Liibiya, Ciraaq, Israa’iil iyo kuwo kale.

Magacaabistiisa ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Boqortooyada Ingiriiska iyo Soomaaliya.

Safiirkii hore, Michael Nithavrianakis, ayaa xilka la wareegay bisha May ee 2023, isagoo beddelay Ms. Kate Foster oo xilkan haysay tan iyo bishii Febraayo ee 2021.

Intii uu xilka hayay, Nithavrianakis wuxuu ka shaqeeyay xoojinta xiriirka labada dal iyo taageeridda mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya.

Magacaabista Charles King ayaa la filayaa inay sii xoojiso wada shaqeynta iyo xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Ingiriiska, iyadoo diiradda la saarayo arrimaha amniga, horumarinta dhaqaalaha, iyo taageeridda hay’adaha dowliga ah ee Soomaaliya.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here