Waxaa soo baxaya warar baraha bulshada aad looga hadal hayo in Dowlada Somalia ay maanta hor istaagtay qorshe Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu doonayay inuu dalka Koofur afrika ugu dhoofo baasaboor diblomaasi oo ay badanaa isticmaaaan dadka siyaasada ku jira gaar ahaan kuwa Dowlada u shaqeeya.
Warar kala duwan ayaa soo baxaya iyadoo wararka qaar sheegayaan in Maxamed Xuseeb Rooble hore u lahaa baasaboor diblomaasi balse uu ka dhacay islamarkaana uu rabay dib u cusbooneysiin sidaas daraadeedna ay Dowlada Somalia ka hor istaagtay xili uu martiqaad ka helay jaaliyada Somalia ee dalka Koofur Afrika.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in Rooble uu berito u safri doono dalka Koofur Afrika balse uu adeegsan doono baasaboorkiisa dalka Sweden.
Sidoo kale warararka arintaani ka la xiriira ayaa sheegaya in Rooble ay la socdaan xildhibaano Dowlada ka tirsan iyo waliba wasiiro hore.
Warkaani wali xaqiiqo looma hayo madaama isaguna uusan ka hadlin sidoo kalana dowladu ka hadlin.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM