Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta maamulka Puntland ayaa maanta ku dhawaaqday in la joojiyey bixinta aqoonsiyada nabaddoonada cusub iyo kuwa beddelka ah ilaa amar dambe.
Go’aankan ayaa si rasmi ah loogu wargeliyey dhammaan Guddoomiyaasha Gobollada iyo Degmooyinka Puntland, waxaana la faray in aan la bixin karin wax aqoonsi ah oo la xiriira nabaddoon cusub ama mid beddel ah.
Wasaaraddu waxay sidoo kale caddeysay in la soo sheegi doono waqtiga dib loo furi doono diiwaangelinta nabaddoonada.
Tallaabadan ayaa ah mid looga hortagayo doorashooyinka soo socda. xilli khilaafka ka dhex taagan maamulka Puntland iyo dowladda dhex uu sii kordhayo
Qaar ka mid ah nabadoonada Puntland ayaa taageersan hanaan doorashooyinka qof iyo Cod ee ay waddo dowladda Soomaaliya.