Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa Madaxtooyada kulan kula yeeshay Safiirka Dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Alper Aktas iyo wefdi uu hoggaaminaayo.

Madaxweynaha iyo Safiirka Dawladda Turkiga iyo wafdigiisa ayaa ka wada hadlay arrimo badan, kuwaas oo la xidhiidha xoojinta iskaashiga u dhexeeya labada  labada dhinac.

Advertisement

Sidoo kale, Danjiraha Turkigu ayaa Madaxweynaha Somaliland ku bogaadiyey Doorashooyinkii ka dhacay, isaga oo tilmaamay in Somaliland ay hirgalay hannaanka dimuqraadiyadda.

Dhanka kale, Kulankan ayaa intii uu socday la isku soo qaaday arrimaha la xiriira nabadeynta, iskaashiga dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga, waxbarashada, caafimaadka, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo xirfadaha, ka wada shaqaynta arrimaha bini’aadannimada.

Kulanka Madaxweynaha Somaliland iyo Safiirka Dawladda Turkiga  ayaa imaanaya xilli uu madaxweynaha dhawaan uu ka soo laabtay magaalada Dubia.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here