War goor dhaw lagu shaaciyay warbaahinta Dowlada Somalia ayaa looga hadlay duqeymo dhanka cirka ah oo goor dhaw laga fuliyay buuraha Gobolka Bari ee Puntland.
Warka Dowlada ayaa sidaan u qornaa:-
Howlgal Militari oo ay iska kaashadeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidanka Cirka ee Mareykanka (US AFRICOM) ayaa goordhow laga fuliyay goobo ay ku dhuumaalaysanayeen haraadiga horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Khawaarijta Daacish ee Buuralayda Calmiskaad, gobolka Bari ee dowlad goboleedka Puntland.
Howlgalka oo ahaa mid aad loo qorsheeyay waxaa lagu xoojinayay howgallada isdaba joogga ah ee geesiyaasha daraawiishta Puntland ay ku ciribtirayaan argagixisada Daacish, wali waxaa socda tirakoobka khasaaraha gaaray cadowga ISIS.
Qiimeyn kadib faahfaahin dhameystiran ayaa laga soo saari doonaa howlgalkaan, maadaama uu weli socdo howgalkaan oo ah mid qorsheysan.
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Saaxiibada Mareykanka waxaa ka go’an xoojinta iskaashiga howgalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah.
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here