Mareykanka ayaa war ka soo saartay Dagaalka ciidamada maamul Goboleedka Puntand ay kula jiraan kooxda Daacish kaasoo ka socda buuraha camiskaad ee Gobolka Bari.
Warkaan oo ka soo baxay safaarada Mareykanka ee Muqdisho ayaa marka hore si weyn loogu cambaaeeyay weerarkii is qarxinta ahaa ee 11-kii bishaan Daacish ay ku qaaday ciidamada difaaca Puntland.
“Mareykanku wuxuu cambareynayaa weerarkii Argagixisada Daacish ku qaaday Ciidamada difaaca Puntland 11-kii bishaan Feb February ”ayaa lagu yiri warka ka soo baxay safaarada Mareykanka ee Muqdisho
Dhanka kale Mareykanka wuxuu ka tacsiyeeyay ciidamadii Puntland ee ku dhintay dagaalada ay kula jiraan kooxda Daacish.
Safaaradu waxay tacsi u direysaa dhamaan qoysaskii ay ka dhinteen askartii puntland ee ku dhintay weerarkii talaadadii hore.
Hawlgalka ciidamada Puntland ee Cirib-tirka Argagixisada Daacish ayaa hore u sheegay inay 100 dagaalame ka dileen Daacish talaadadii ay weerarka qaraxyada soo qaadeen.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM