NEW DELHI (DAYNIILE.COM)- Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay isbuurasho ka dhacday xarun tareen oo ku taal caasimadda Hindiya ee New Delhi, sida ay baahisay ABC NEWS.
Madaxa ku-meel-gaarka ah ee Delhi Atishi, oo adeegsada hal magac oo keliya, ayaa sheegay in maydadka la keenay isbitaalka Lok Nayak Jai Prakash Narain ee caasimadda.
Is jiid-jiidka ayaa dhacay goor dambe oo Sabtidii ah xilli kumannaan qof ay isugu soo baxeen saldhigga tareenada ee New Delhi oo sugayay inay tareen ka raacaan goobta uu ka dhacayo xafladda Maha Kumbh Hinduuga ee waqooyiga Hindiya.
Raiisel wasaaraha Dalka India Narendra Modi ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay isbuurashada.
“Fikradaydu waxay la jirtaa dhammaan kuwa waayay ehelkooda, Inta dhaawaca ah waxaan Alle uga baryayaa inuu caafimaad degdeg ah siiyo, Maamulku waxa uu caawinayaa dhammaan dadka ay saamaysay isbuurashadan,” ayuu Raiisel wasaaraha Dalka India Narendra Modi ku soo qorey barta X.
Wasiirka tareenada Ashwini Vaishnaw ayaa sheegay in baaritaan la amray in lagu helo waxa keenay is jiid jiidka.
Ugu yaraan 30 qof ayaa ku dhintay isbuurasho ka dhacday xafladda lixda toddobaad ee bishii hore ka dib markii tobanaan milyan oo Hinduus ah ay isugu soo baxeen si ay ugu quusaan biyaha wabiga ee barakeysan sida ay aaminsan yihiin.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM