Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa shir maanta uga furmaya muqdishu ayagoo shirkaan looga hadli doono xaaladaha soo cusboonaaday ee ah fara galinta dowladda oo ay ku hayso shirarka xisbiyada, inkastoo dhowr jeer laga hadlay xaaladda guud doorashada , xisbiga aya si gaar ah diiradda u saaray arrimaha doorashooyinka iyo wadajirka qaranka.i
Xisbiga ayaa ka digay in dowladda ay soo saaraan go’aanno siyaasadeed oo uga sii dari kara xaaladda cakiran ee dalka, isla markaana abuuri kara khilaafaad siyaasadeed oo hor leh. Sidoo kale, waxay uga digeen muddo kordhin loo sameeyo madaxda dowlad goboleedyada, taasoo ay sheegeen inay keeni karto dano siyaasadeed oo gaar ah.
Sheekh Shariif iyo hoggaamiyaha xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, iyagoo ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo sidi looga hortagi lahaa in aan la caburin Ururada siyaasadeed ee dalka leeyhay in aan la hajuumin shirarka ay qabsanayaan.
Kal hore Sheekh Shariif ayaa shir jaraa’id ku sheegay in aysan suurtagal ahayn in dalka laga qabto doorasho qof iyo cod ah, maadaama ay jiraan caqabado dhowr ah oo hortaagan, sida wax ka beddelka dastuurka iyo dhismaha guddiga doorashooyinka.
Xisbiga Himilo Qaran ayaa marar badan ugu baaqay madaxda qaranka inay ilaaliyaan wadajirka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed, kana fogaadaan tallaabooyin keeni kara khilaafaad siyaasadeed iyo kala qeybsanaan.