Qoraal kasoo baxay Baarlamaanka ayaa lagu sheegay in guddoomiyaha golaha, oo hore arrinta samaynta guddida ugu riixay hay’adaha garsoorka, uu dib ugu soo celiyay Baarlamaanka maadaama aanay jirin Maxkamad Sare, sidaas darteedna uu goluhu go’aamiyay samaynta Guddiga Dastuurka.
Baarlamaanka ayaa sheegay in dastuurka lagu ansixin doono shirwaynaha masiiriga ah ee la qaban doono, kaasi oo uu dhigayo Axdiga Maamulka SSC-Khaatumo, qodobka 6-aad, farqadiisa labaad.
Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Aw Cali Firdhiye, ayaa horay u sheegay in la qaban doono shirwayne rasmi ah oo maamulka lagu dhammaystirayo, isla markaana hadda la sii diyaarinayo dastuurkii lagu dhaqmi lahaa.
“Golaha fulintu waxay isku raaceen in maamul-goboleedka inoo soo socda dastuurkiisii hadda la sii diyaariyo. Axdiga waxa ku qoran ayaa inoo ballan ah, dalka lagu dhaqayaa, cidina kama duwi karto,” ayuu yidhi Firdhiye.
Baryahan waxaa taagnaa khilaaf u dhexeeyay Xildhibaanada SSC-Khaatumo oo labo garab kala noqday, kuwaas oo isku hayay munaasibnimada in xilligan dastuur la sameeyo.