Adis Ababa. Febraayo 14, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo uu kaga qeyb galayo Shir-madaxeedka 38-aad ee Midowga Afrika oo lagaga arrinsanayo mustaqbalka iyo danaha guud ee qaaradda.
Madaxda Afrika ayaa u ballansan doorashada hoggaanka cusub ee Midowga Afrika iyo ku-xigeennadiisa, xoojinta nabadda, midnimada iyo madaxbannaanida dalalka qaaradda iyo ajendayaal kale oo laf-dhabar u ah jihaynta Midowga Afrika, sanadaha soo socda.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Adis Ababa, waxa uu kulan-doceedyo la yeelan doonaa Madaxda ka soo qeyb galaya shirka, si loo xoojiyo xiriirka dalkeennu la leeyahay dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika.
Waftiga Madaxweynaha ku wehelinaya safarkan shaqo waxaa ka mid ah, Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee Arrimaha Dibadda Mudane Axmed Macallin Fiqi, Gaashaandhigga Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Agaasimaha Madaxtooyada Cabdixakiim Maxamed Yuusuf.







Advertisement