Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey Xeer-Nidaamiyaha Xukuumadda, kaas oo hagaya howlaha waaweyn ay xukuumaddu u hayso bulshada Soomaaliyeed,
Kulanka Golaha oo uu guddoominayey Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno ka hadlayey xaaladdihii ugu dambeeyay ee dalka, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada bulshada.
Sidoo kale, Golaha ayaa meel-mariyey heshiis iskaashi amni, kaas oo ay wada gaareen dalalka Soomaaliya iyo Ciraaq.
Golaha Wasiirrada ayaa dul istaaggay dagaallada ka socda dalka ee lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee Al-shabaab iyo Daacish, kuwaas oo jab-xoog leh ay gaarsiiyeen ciidanka Qaranka, kana saareen deegaanno iyo goobo kala duwan oo ay ku dhibaatayn jireen shacabkaยญยญ, iyada oo laga dilay horjoogeyaal u badan ajaaniib, qaar kalena gacanta lagu dhigay.