Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu yidhi: “Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 12-kii February 2025, ka dib markii aanu aragnay sida badheedhka ah ee Universal TV ugu xadgudbay qaranimada Somaliland, waxaannu kala noqonay ruqsaddii warbaahineed ee uu kaga hawlgeli jiray gudaha Jamhuuriyadda Somaliland.”
Sidoo kale, muuqbaahiyaha Universal TV ayaa laga mamnuucay inuu guud ahaan la macaamilo warbaahinta Somaliland, oo ay ka mid yihiin muuqbaahiyeyaasha ay hore wada-shaqaynta ula lahaayeen, sida Astaan TV, True Cable TV, iyo Hornsat.
Dhanka kale, waxaa sidoo kale waxa laga mamnuucay dhammaan shirkadaha ganacsiga ee ka diiwaangashan Somaliland inay wax xayaysiis ah siiyaan Universal TV.
Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka oo faahfaahsan:-