Wasiirka Difaaca maamulka Israa’iil, Israel Katz ayaa sheegay in haddii uu ururka Xamaas maalinta sabtida ah ee soo socata dhammaan la-heysteyaasha Israa’iiliyiinta ee gacanta ugu jira sii deyn waayo uu furayo Albaabka naarta Jaxiimo, sida uu hadalka u dhigay.

” Haddii Xamaas ay sii deyn weydo la-heysteyaasha Sabtida, albaabada Jaxiimo ayaa furmi doona, sida uu ballan qaaday madaxweyne Trump” ayuu yiri Israel Katz.

Advertisement

Madaxweynaha Mareykanka ayaa horey u sheegay in haddii maalinta sabtida ah ee 15-ka bisha ay Xamaas dhammaan maxaabiista Israa’iil sii deyn weyso wax waliba is badeli doonaan, balse kooxda wax iska caabinta reer Falastiin ayaa ku adkaynaysa in intaan maxaabiista la sii deyn loo baahanyahay in gargaar bini’aadantinimo oo dheeraad ah la geeyo marinka Qasa.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here