Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh oo dhowaan booqashadii ugu horreysa ee Madaxweyne Soomaaliyeed ku tagey dalka Azerbaijan ayaa sheegay in labada dal ay yeelan doonaan iskaashi istiraatiiji ah oo guulo wax ku ool ah horseedi doona.
Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in Soomaaliya iyo Azerbaijan ay wadaagaan himilo isku mid ah oo ku aaddan dhinaca hormarka, nabadgelyada, iyo barwaaqada, islamarkaana asaga iyo dhiggiisa dalkaas Ilham Aliyev ay si qoto-dheer uga wada-hadleen xoojinta xiriirka labada dal.
Soomaaliya iyo Azerbaijan ayaa kalal saxiixday dhowr heshiis oo isugu jira dhinacyada amniga, waxbarashada, hal-abuurka, Tamarta, iyo warshadaha, wuxuuna safarka Madaxweyne Xasan Shiikh iyo wefdigiisu noqanayaa booqashadii ugu horreysay ee uu madaxweyne Soomaaliyeed ku tago dalkan aan badda rasmiga ah lahayn ee ku yaalla galbeedka qaaradda Aasiya.