ADIS-ABABA (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Gobolka ugu weyn Itoobiya ee ay degaan Qowmiyada Oromada ayaa sheegaya in hallkaasi uu ka dhacay shil gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac badan.
Inta la ogyahay shilkaan waxaa ku dhintay 26 ruux halka ay ku dhaawacmeen 42 ruux walow waqti kasta ay kordhi karaan tirada dadka dhibaatadu soo gaartay.
Advertisement
Shilkaan ayaa ka dhashay kadib markii bas dadweyne badan siday uu rogmaday xili uu xawaare ku socday taasina ay sababtay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca.
Baska ay ka ambabaxay magaalada Shambu ee galbeedka dalka Itoobiya,wuxuuna ku sii jeeday caasimadda Addis Ababa sida ay shaaciyeen warbaahinta Itoobiya.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement
![](https://www.dayniiile.com/wp-content/uploads/2024/05/FB_IMG_1716041791450.jpg)