Baaris Caafimaad uu sameeyay Isbitaalka Hargeysa waxaa xannuunka Kansarka laga hubiyay 680 Bukaan iyada oo laga helay 182 kamid ah Dadkaas, 100 kamid ah Dadka cudurka laga helay waa Dumar sida lagu sheegay xog-baaristaan oo lasoo bandhigay.
Xog-baarista ayaa lagu muujiyay in kiisaska cudurka halista badan ee Kansarka sii kordheen muddooyinkii dambe loona baahan yahay in la sameeyo wacyigelin Bulsho iyo baraaruk laga sameeyo waxyaabaha loo arko in ay sababaan.
Noocyada uga badan ee Kansarka laga helay bukaannada baarista ku maray Isbitaalka Hargeysa waa kan ku dhaca cunaha ama dhuunta sida dadka qaar u garanayaan iyo kan Naasaha oo xaalado kala duwan laga diiwangeliyay.
Kansarka waxa uu kamid yahay cudurrada halista ah qarniyadii ugu dambeeyay sida xowliga ah ku socday, diiwaanka Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO waxaa ku jira in sanadkii 2020 ay Cudurkaan u dhinteen 10 Milyan oo ruux guud ahaan Caalamka.
Sanad weliba waxaa guud ahaan la helayaa kiisas la xiriira Xannuunka Kansarka guud ahaan Caalamka, Carruurta ayaa lagu qiyaasay in ay ku dhow yihiin Nus Milyan waana tan keentay in qaar kamid ah Dalalka caalamka laga furo goobo lagu daryeello oo u gaar ah.