=XIGASHO BBC SOMALI=
Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika ee AFRICOM ayaa faahfaafin dheeraad ah ka bixiyey duqayn dhanka cirka ah oo kowdii bishan Febraayo ay ka fuliyeen buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari ee Puntland.
Waxay sheegeen in duqayntooda oo lala kaashanayo Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, uu talisku fuliyay duqeymo cirka ah oo ka dhan ah Daacishta Soomaaliya 1-dii Febraayo, 2025. Duqeymaha wadajirka ahaa ayaa lala beegsanayay hoggaanka sare ee Daacishta Soomaaliya oo ku dhuumaalaysanayay meelo godad ah oo ku yaal qiyaastii 50 mayl meel koonfur bari ka xigta magaalada Boosaaso.
Taliska ayaa hadda shaaciyay in dhowaad 14 ka mid ah xubnaha Daacishta Soomaaliya ay ku dhinteen duqeymahaas, iyada oo aan dad rayid ah waxyeello gaarin.
Kuwa ku dhintay waxaa ka mid ahaa ayaa lagu yiri warbixinta AFRICOM “nin lagu magacaabp Axmed Maeleninine, oo ahaa xubin muhiim ah oo maalgelinayay, isla markaana hoggaaminayay hawlgallada dibadda ee Daacish, mas’uulna ka ahaa u dirista jihaadiyiinta gudaha Mareykanka iyo Yurub.”
Warkaan ka soo baxaya taliska Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in “hoos u dhigista awoodda Daacish iyo ururrada argagixisada kale ee qorsheynta iyo fulinta weerarrada khatarta ku ah dhulka Mareykanka, xulufadiisa iyo shacabka ay weli yihiin kuwa ugu muhiimsan ee Taliska uu qaadayo.”
Hadalkaan ayaa imaanaya iyadoo maamulka Puntland uu dagaal ba’an kula jiro Daacishta Soomaaliya, iyadoo dagaalladii ugu dambeyay ay Puntland sheegtay in xubno badan ay kaga dishay Daacish.
Trump iyo amarka duqaynta![Puntland](data:image/svg+xml,%3Csvg%20xmlns='http://www.w3.org/2000/svg'%20viewBox='0%200%200%200'%3E%3C/svg%3E)
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa bilowgii bishan Febraayo sheegay inuu bixiyey amarka duqayn ka dhacday buuraha Cal-Miskaad ee gobolka Bari, halkaas oo ciidanka Puntland ay kula dagaallamayaan dagaallameyaal ka tirsan kooxda Daacish.
“Kuwan dadka dila, ee aan ka helnay godad ay isku qarinayeen, waxay khatar ku ahaayeen Mareykanka iyo isbahaysigiisa”, ayuu yiri madaxweyne Trump oo qoraal soo dhigay baraha bulshada.
Hadalka Trump wuxuu ku soo koobay qoraal sidan loo dhigay. “Fariinta IS iyo dhammaan kuwa kale ee doonaya in ay weeraraan Mareykanka, “Waa idin heleynaa, waana idin dileynaa!”
Maamulka Puntland ayaa sheegay in duqaytaasi ay wax badan u dhintay kooxda ayna ugu mahadcelinayan saaxiibada Soomaaliya garabsiinta dagaalka ay kula jiraan kooxda Daacish.
Dagaalladii ugu dambeeyey ee ka dhacay buuraha Cal-miskaad ayey Puntland sheegtay inay deegaanno badan ka saareen dagaalyahannada kooxda isla markaana ay ka dileen tiro badan oo ka tirsan dagaalyahannada Daacish.
Howlgalka “Hilaac” ee ciidamada Puntland kula dagaallamayaan kooxda Daacish ayaa galay wajigiisii labaad iyadoo madaxda Puntland ay sheegeen “inay ka go’an tahay in deegamnadaas laga sifeeyo kooxda Daacish.”
Wax ka ogow Daacishta Soomaaliya iyo xilliga la asaasay
Kooxda IS amaba Daacish ayaa dunida caan ka noqotay sanadihii 2010meeyadii, gaar ahaanna gudaha dalalka Ciraaq iyo Suuriya, balse haatan wuxuu joogitaankeedu ku badan yahay qeybo ka mid ah Afrika.
Laanta Soomaaliya ayaa waxaa sanadkii 2015 aasaasay koox ka goosatay al-Shabaabta gacan-saarka la leh al-Qaacida – kuwaasoo ah kooxda jihaad-doonka ugu weyn ee Soomaaliya ka jirta.
Daacishta Soomaaliya ku sugan waa kuwo aad u daran oo bulshada dhac u geysata inta badanna fulisa weerarro yar oo aan joogto ahayn, sida laga soo xigtay Xafiiska Mareykanka ee Agaasimaha Sirdoonka Qaranka.
Ciidamada Mareykanka ayaa dilay hoggaamiyihii IS, Bilal al-Sudani, iyo 10 kale iyagoo ku jiray god buuralley ah oo waqooyiga Soomaaliya ah sanadkii 2023, kadib howlgal uu amray madaxweynihii xilka ka degay ee Mareykanka Joe Biden.
=XIGASHO BBC SOMALI=