Warbixin ay soo saartay howlgalka Midowga Yurub ee badaha Bariga Dhexe (EUNAVFOR Atalanta) ayaa lagu sheegay in koox burcad-badeed Soomaali ah la tuhunsan yahay inay qafaasheen doon kalluumeysi oo Yemeni ah meel u dhow Xeebaha Geeska Afrika.

Advertisement

Sida ay sheegtay shirkadda Amniga Badaha ee Ambrey, weerarkan ayaa ka dhacay meel u dhow magaalada Eyl ee Soomaaliya, halkaas oo burcad-badeedku ay la wareegeen saddex doon yar oo ay ku rakibnaayeen matooro awoodoodu tahay 60 horsepower.

Burcad-badeednimada Soomaaliya ayaa gaartay heerkeedii ugu sarreeyay sanadkii 2011, markaas oo la diiwaangeliyay 237 weerar oo ka dhacay biyaha Soomaaliya.

Qiyaasta khasaaraha dhaqaale ee caalamka ka soo gaaray burcad-badeednimada sannadkaas waxay gaartay $7 bilyan, halka lacago madax furasho ah oo gaaraya $160 milyan la bixiyay, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay hay’adda Oceans Beyond Piracy.

Dadaallo ay sameeyeen ciidamada caalamiga ah ee ilaaliya badaha, xoojinta dowladda dhexe ee Soomaaliya, iyo tallaabooyin kale ayaa sababay in la xakameeyo burcad-badeednimada.

Si kastaba ha ahaatee, sanadihii dambe burcad-badeednimadu waxay dib u soo laabatay, gaar ahaan sanadkii hore oo la diiwaangeliyay toddobo dhacdo oo ka dhacay xeebaha Soomaaliya, sida ay sheegtay hay’adda International Maritime Bureau. Waxaa la rumeysan yahay in xasillooni-darrada ay abuureen weerarrada kooxda Xuutiyiinta ee ka socda marinka Badda Cas ay sabab u noqdeen in burcad-badeednimadu dib u soo xoogaysato

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here