Ciidamada difaaca Puntland ayaa saaka aroornimadii hore bilaabay hawlgallo ballaaran oo ka dhan ah kooxda Daacish ee ku dhuumaalaysanaya deegaanada ku teedsan togga Jaceel, buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari.

Qoraal kooban oo ka soo baxay taliska ciidamada Puntland ayaa lagu sheegay in ciidamadu ay weerar culus ku qaadeen deegaanka Haraaryo, oo ka mid ahaa goobihii ay maalmahan dambe isku uruursanayeen argagixisadu.

Advertisement

Warbixinta taliska ayaa intaa ku dartay in ciidamadu si xooggan u beegsadeen xubnaha Daacish, iyagoo khasaaro xoogan gaarsiiyay.

Dhinaca kale, wararka laga helayo gobolka Bari ayaa sheegaya in duqeymo cirka ah ay xalay ka dhaceen deegaanada Qurac, Dandamale, Daray Madoobe, Garaar iyo Sheebaab, kuwaas oo dhammaan lagu tuhunsanaa inay saldhigyo u yihiin Daacish.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeymahaasi, balse wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in bartilmaameedyo muhiim ah la beegsaday.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here