QAZA (DAYNIILE.COM)-Shacabka Falastiiniyiinta reer Gaza waxay aad iyo aad uga cabsanayaan’ rajada dagaal dib uga dhex qarxa Xamaas iyo Israa’iil.

Dareenka shacabka reer Gaza ee isugu jira kuwa dhawaan soo laabtay iyo kuwii hore u dhex joogay Gaza ayaa imaanaya xili uu qarka u saaran yahay inuu bur buro heshiiskii xabad joojinta ee dhawaan uu dhaqan galay.

Advertisement

ShacabkaFalastiiniyiinta Gaza ayaa sheegay inay ka baqayaan waxa soo socda haddii heshiisku burburo.

“Dadku way cabsanayaan. Waxay kaydsanayaan sahayda iyagoo ka baqaya in dagaalku mar kale soo noqdo,” ayuu yidhi Mohammed Yusuf, oo deggan Khan Younis.

“Ma jirto wax badbaado ah, sababtoo ah cillad kasta oo ku jirta heshiiska ayaa horseedaysa khatarta soo noqoshada dagaalka. Dadku, waxyaabo badan oo ay la kulmeen intii uu dagaalku socday awgeed, waxay ka baqeen wax kasta oo ka soo baxa hadal kasta, labada dhinac, haddii ay yihiin cadowga ama maamulka Gaza” ayuu mar kale yiri Mohammed Yusuf

Shacabka reer Gaza ee muujinaya cabsida ayaa intaasi ku daray inay nafis dareemeen markii ay dhaqan gashay xabad joojinta iyo markii ay dadku ku soo noqdeen guryahoodii.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here