Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal beeleed khasaare kala duwan geystay oo maalintii labaad ka dhacay degmada Luuq ee gobolka Gedo.
Dagaalka ayaa lasoo wariyay inuu maanta ka dhacay duuleedka magaalada Luuq, gaar ahaan meel 4 KM u jirta magaalada oo lagu magacaabo beerta Salaadey oo hoostagta deegaanka Neefsooy.
Goobjoogayaal ku sugan degmada Luuq ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka maanta ay ku dhiteen 2 ruux oo ka mid ah dhinacyada dagaalamay, islamarkaana ay ku dhaawacmeen 5 ruux oo kale oo ay ku jiraan dad shacab ah.
Dagaalka u dhaxeeya labadaan maleeshiyo beeleed ayaa ah mid salka ku haayo arrimo la xiriira maamulka degmada Luuq iyo dilal aanooyin qabiil ah oo ay horay isugu gaysteen labada dhinac.
Maamulka gobolka Gedo oo maanta ka hadlay dagaal beeleedkaan ayaa ugu baaqay labada dhinac in si shuruud la’aan ah ku joojiyaan dagaalka u dhexeeya ee sababay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca leh.