Magaalada Dubai waxaa ka socda shir caalami ah oo maalintii labaad galay, kaas oo ay dowladda Isku tagga Imaaraadka carabtu abaabulkiisa leedahay, islamarkaana ay ka qeyb-galayaan in ka badan 150 dal.
Shirkan oo ay ka qeyb-galayaan wasiirrada Maaliyadda iyo dhallinyarada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa markii ugu horraysay asna khudbad ka jeedin doono madaxweynaha Soomaaliland Cabdiraxmaan Cirro, ka dib markii Imaaraadku uu casuumaad gaar ah u soo diray, oo si heer madaxweyne dal ah u maamuusay.
Shir-madaxeedkan ayaa ah mid dawladaha adduunku ay si sannadle ah isugu yimaadaan, laguna qabto magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, waxaana la aas-aasay sanadkii 2013-kii.
Shirkan waxaa inta badan diiradda lagu saaraaa arrimaha dhaqaalaha, hal-abuurka, Tiknoolojiyadda iyo ajandayaal kale, waxayna madashani u shaqaysaa sidii xarun aqooneed ama daraasadeed oo aragtiyaha iyo qorsheyaasha laysku waydaarsado.
Ka sokow in Soomaaliland dal ahaan loogu casuumaday shirkan, madaxweyneheedu uu khudbad ka jeedin doono, waxaa jira meel ka dhac kale oo Imaaraadku uu u geystay dowladnimada Soomaaliya, ka dib markii wasiirrada DFS lagu sheegey kuwo Soomaaliland matalaya, inkastoo markii dambe dib loo saxay.