Maamulka Somaliland waa markii koowaad ee ay shirkan madaxda caalamka oo Dhani isugu imanayso lagu Soo casuumo waana dursad dahabiya.. aqriso oo dhamayso
Shirka caalamiga ah ee World Government Summit ee lagu casuumay madaxwenaha Maamulka Somaliland Mudane Dr Abdirahman Maxamed Cabdilaahi Cirro waxaa kasoo galay 30 madaxwenaha oo ka oo uu ku jiro madaxwene Cirro, 600 oo wasiir, 80 organization oo caalamiya, guud ahaan dadka ka qayb galayaa waa 6000 oo qof ( lixkun oo qof) oo caalamka oo dhan ka kala socda waxa madasha ka hadlo doona 300 oo qof.
Agandaha Lagu gorfayn doono sanadkan 2025-ka, Shir-madaxeedka Dawladaha Adduunka ayaa noqon doona hal-ku-dhegga ‘qaabaynta dawladaha mustaqbalka.’ Shir-madaxeedkan ayaa isu keeni doona dawladaha, iyo ururada caalamiga ah, hoggaamiyeyaasha fikirka, iyo hoggaamiyeyaasha qaybaha gaarka ah ee adduunka si loo kobciyo iskaashiga caalamiga ah iyo in la ikhtiraaco xalal cusub oo caqabadaha mustaqbalka ah lagu dabaqi doono, ugu dambayntii dhiirigelin iyo awood siinta dawladaha soo koraya.
Maamulka Somaliland waa markii koowaad ee ay shirkan madaxda caalamka oo Dhani isugu imanayso lagu Soo casuumo waana guul ay soohooyeen Xukumada oo 100 kii maalmood udhamaan.
Waxaan boggaadin diplumcyiinta shaqadaac sida xirfadaysan ugasoo shaqeeyey
Guulbaan urajanaayaa jamhuuriyada La,aqoonsan doono maalin dhow