Xisbiga Himilo Qaran ee uu hogaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa si kulul uga hadlay talaabadii saaka ay qaaday Dowlada Somalia kaasoo ay kula wareegtay dhismaha guriga hooyooyinka ee Muqdisho.

Ciidamada Booliiska ayaa shalay waxay tageen gurigaasi iyagoona ka saaray haweenkii ku sugnaa oo waliba qaarkood xabsiga dhigeen.

Advertisement

Xisbiga Sheekh Shariif ayaa warsaxaaadeecd uu ka soo saaray waxay ku cambaareeyeen dowalada talaabada ay qaaday iyagoona ku tilmaamay mid dowladnimada ka baxsan.

Hadaba halkaani ka akhriso warka ka soo baxay xisbiga hilimo qaran:-

Xisbiga Himilo Qaran wuxuu madaxda dowladda Federaalka ah ugu baaqayaa inaan dhegaha laga fureysan dareenka shacabka caasimadda oo xiligaan wajahaya culeysyadii ugu xumaa ee ka dhashay canshuuraha tirada badan kuwaas oo qaarkood ka baxsan xeerarka maaliyadeed.May be an image of map and textMay be an image of text

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here